Ra’iisul wasaaraha dalka Kanada Justin Trudeau ayaa shalay isku shaandheyn ku sameeyey golahiisa wasiirrada, si uu wax uga qabto nolosha sii qaaliyoobeysa iyo hoos u dhaca dhanka dhaqaalaha.
Ilaa toddoba wasiir ayaa waayay xilalkooda. Laakiin Axmed Xuseen oo ah Soomali-Kanadiyaan ayaa markale kasoo dhex muuqday golaha wasiirrada, isaga oo loo magcaabay xil muhiima.
Axmed Xuseen ayaa horey u ahaa wasiirka guriyeynta ee dalka Kanada.
Horseed Media