Somalia
This article was added by the user . TheWorldNews is not responsible for the content of the platform.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatey Brian Nelson ku-xigeenka xogyaha Waaxda Maaliyadda Maraykanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyada Maraykanka ee Arrimaha argagixisada iyo ka hortagga maalgelinta argagixisada Mr Brian Nelson.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo bandhigay tallaabooyina dowladda Soomaaliya ay ku wiiqday dakhliga iyo dhaqaalaha argagixisada Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa la wadaagey masuulka ka socdey Maraykanka in xeerarka iyo shuruucda loo jideeyey cunaqabateynta maaliyadeed ee argagixisada iyo tallaabooyinka sirdoon ee lagu burburiyey ilaha-dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen argagixisadu ay soo dedejisay guulaha laga gaaray furimaha dagaalka iyo xoreynta deegaannada ay ku dhibaateynayeen shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala hadlay ku-xigeenka Xoghayaha Maaliyada Maraykanka ee Arrimaha argagixisada iyo ka hortagga maalgelintooda Brian Nelson iskaashiga Soomaaliya iyo Maraykanka ee cunaqabateynta maaliyadeed ee argagixisada, doorka ay ka qaadanayaan wajiga Labaad ee howlgalka dagaalka ka dhanka ah Malayshiyaadka argagisada al-Shabaaba iyo hormarka laga sameeyay barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.

Mr Brian Nelson ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha soo dhaweynta iyo kulanka ay yeesheen, waxa uuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka, sidaas daradeed ay ka go’antahay dalkiisa in ay ka gacan siiyaan dowladda Soomaaliya ka hortaga lacagaha sharcidarada iyo ladagaallanka argagixisada.

Horseed Media